BiyoKulule Online  Bosaso,  Somalia                       

administrator@biyokulule.com

 

Qaraal Kusaabasan Xijiga.
 

         

                                    Xiji

Hordhac

Warbixin taan waxaan  ugu tala galay dhamaan shacabka danay
naya in ay wax ka ogaadaaan xijiga.
Dhulka Soomaalidu degto waxaa loo aqoon jirey magacyo badan oo kale oo kal duwan, dadka soo booqda ama ganacsi u yimaada ayaa magac ula bixi jirey waayo ma jirin dhul somaliyeed oo midaysan ama magac ku diwaan gashan. magacyada loo aqoon jirey waxaa ka mid ahaa Bar'ul cajam. Ardul Xabash, Dhulkii udugga(Puntland).

   
Maydi
Haddaba magacaas Dhulkii udugga ama Puntland waxaa bixiyey                                             
 Dadkii gancasatada ahaa ee Masar ka imaan jirey kuwaas oo u imaan jirey in ay Dhulka Soomalidu degto ka qaataan Geedka Udgoonka badan ee Beeyada ama Maydiga. sida la sheegay Massridu waxa u shidi jireen Ilaahyadooda Beeyada ama faleenka (maydiga). markaa waxaad arki in  ay Masaaridu imaan jireen ka hor diinta islaamaka oo xiriir Ganacsi ka dhaxeeyey somalida iyo reer Masar.
 

Ganacsatad Carbeed waxay Imaan jireen Inta badan Xeebaha Somalida . Meelaha laga dhoofin jirey Beeyada waxaa ugu caansabaa Bacaad iyo Buurgaaban oo hilaadda 30 km Bari ka xiga Magaalada Bander-Qaasim.
haddaba waxaa la yaab ah in hadda magaalooyinkaas oo  ahaa kuwii ugu horreeye ee laga asaaso xeebaha badda cas ee Somaliya in ay hadda baaba'een.


Hadaba xijigu waa geed kamid ah dhirt ilaahay  dhulka kasoo saaray, waana geed kamid ah dhirta dheecaanka leh.geed kaasi wuxuu kabaxaa dhulka kulul iyo kan qabaw Labadaba.                                                                                                                                    BUURGAABAN
Xijigu wuxuu ka baxaa Buuraha silsiladda Golis gaar ahaan Gobolada Bari iyo sanaag. wuxuuna si fiican uga baxaa  Qaybaha silsiladda Golis ee loo yaqaanno Calamadow iyo Cal-Miskaad. isagoo aad ugu Badan qaybta Cal miskaad ee ka bilaabanata Maraje ilaa laga Gaaro Xeebta Caluula. wuxuu ku teedsan yahay meelahaas gubanta ah oo inta badan badda ku sii jeeda. ********.                                                                                    

Xijigu waa geed ilaahay ugu nimceeyey dadka soomaalida
ah ee Saboolka ah,waxuu  ku leeyahay Tariikhda soomaalida qayb weyn waana geedka lagu soo dhaafay wakhtiyadii adkaa oo dhan.
Xijiga marka lasoo guro waxaa lakeeni jiray magaa looyinka waxaana loo dhoofin jiray dalka carabta,  markaa waxaa lagu soo bedelan jiray Raashin, Bagaash iyo wixii nolosha bini aadamku u baahan tahay,…….

. Qaybaha Xijiga.
Xijigu wuxuu u kala baxaa laba qaybood Beeyo iyo Maydi,waana laba        
geed oo ku kala duwan wax yaalo badan sida meesha ay kabaxaan,dheecaanka(caanaha) iwm.             
Waxaan  u sharaxaynaa labada qaybood midba gaarkii inaga oo caddaynayna astaamaha iyo qaabab ka ay ku kala gedesan yihiiin. Waxaan soo qaadanay naa marka hore Beeyada.
 

Beeyo

• Beeyadu waa  geed kabaxa meelaha banaanista ah,
waxay leedahay jirid buuran oo ay  ka buuxdo dheceen
(caano). Beeyada marka la soo jillabo(soo guro)  
waxaa lakeenaa magaa looynka, waxaana lookala
saaraa afar (4) qaybood oo ah siddan.

1. Casaan: oo ah miro gud guduudan.
2. Caddaan: oo ah miro cad cad
3. Qolof: oo ah jilifta geedka
4. Shooto: oo ah haska iyo jajabka ka dhaca iyada.

 

                                                                                                                Beeyo

  Maydi

Maydigu waa geed  kaddu wan kii hore  wuxuu kabaxaa
dhadhaabaha  waana geed dheecaan badan leh waana ka qaali san yahay kaga qiimayntalacagta wxuuu leeyahay Calaal Balaaran oo  uu ku qabsado dhadhaabta, malaha xididdo dhulak ug aasan. calaacashaas ayuu dhadhaabta ku qabsadaa. wuxuuna ka baxaa meelo halis ah haddii ruuxa gurayaa uu kasoo dhaco uu naftiisa halis u yahay.
Waxaa looo kala saaraa marka lasoo jadro(lasoo guro) dhawr qaybood oo ah sedan.
Mushaad:  waa xabag dhaadheer
Mujarwal: waa iniini cad cad
• Jibaan jib: waa xabag mad madaw
Shooto:   waa haska kadaata oo ah niis oo kale.
Qolof :    oo ah jilifta geedka.



3. Qalabka xijiga loo adeeg sado

                                                                                                           Maydi
Mingaaf :- oo ah qoray  yar oo ay labada madax kaga jiraan  laba birood oo wax sara oo loogu talagalay mid kamid ah  in geedka lagu sarco (calaamadiyo) midna dhadhaabaha looga fujisto xabagta.                                                  

Dhuraad:- oo ah weel godan oo lagu gurto miraha marka  geedku miro dhalo, wuxuuna kasamay san yahay caw.

Kolay:-waa weel  godan waxaan lagu shubaa miraha marka geedku uu joogo xiliga uu ugu miro badan  yahay, waxaana uu kasamay san yahay caw laba xarig oo sidde ahna waa leeyahay                                      Shooto                                                                                                                                                Qolof

                                      
Biyo Kulule Online
Siciid Bile Qallad