|
BiyoKulule Online Bosaso, Somalia |
|
|
Part 2
XUBINTA 3AAD
MABAADIIDA GUUD
ARRIMAHA BULSHADA
QODOBKA 17AAD
QOYSKA Qoysku waa aasaaska bulshada oo ka aasaasma nin iyo haweenay qaangaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday, waxa uuna xaq u leeyahay damaanadqaad dastuuri ah
QODOBKA 18AAD
XUQUUQDA HAWEENKA
1.
Dastuurkani waxa uu xaqiijinayaa xuquuqda, xoriyaadka iyo waajibaadka
haweenka ee dhaqan dhaqaale iyo siyaaso ee aan diinta islaamku ka reebin.
2.
Dawladda ayaa ilaalinaysa xuquuqda haweenka ee ku xusan qodobkan.
3. Haddii nolosha hooyada uurka lihi halis gasho, ilmaha caloosha
ku jira waa la soo ridi karaa markii dakhtar takhasuskeeda lihi caddeeyo.
QODOBKA 19 AAD
XAQUUQDA CARRUURTA
1. Carruur
waxaa loola jeedaa qof kasta oo toban iyo shan (15) sano ka yar.
2. Ilmuhu
waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad iyo korriimo.
3. Waxaa
reebban shaqada carruurta wax u dhimaysa noloshooda, dhaqankooda,
korriimadooda iyo waxbarashooda.
4. Waxaa
reebban in la soo rido ilmaha caloosha hooyada ku jira haddii aysan jirin
xaaladda ku xusan 18.3
QODOBKA 20AAD
AGOOMAHA, CURYAAMADA IYO GARAAD-DHIMMANKA
1. Naafada
iyo muwaadin kasta oo aan is daryeeli Karin, cid daryeeshaana aysan jirin,
dawladda ayay waajib ku tahay in ay daryeesho.
2.
Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa samaysaana hay'ado xannaaneeya dadka
qodobkan ku tilmaaman.
QODOBKA 21AAD
CAAFIMAADKA
1. Dawladda
ayaa u xil saaran caafimaadka guud, gaar ahaan kan carruurta iyo hooyada,
ka-hortagga cudurrada faafa iyo nadaafadarrada guud.
2.
Dawladda ayaa xil ka saaran yahay horumarinta adeegyada Caafimaadka.
3.
Dawladdu waxa ay oggoshay in la furto rugo/xarumo caafimaad iyo
cisbitaalo gaar ah, xeer gaar ah ayaana xukuumaddu ka soo saaraysaa.
QODOBKA 22AAD
WAXBARASHADA
1.
Horumarinta, baahinta iyo faafinta cilmigu iyo waxbarashadu waa waajib
ummadeed, meelmarintoodana dawladda ayaa u xil saaran.
2.
Akhris-Qoris la'aanta afka hooyo waa cadowga koowaad ee ummadda waana
waajib in lala dagaallamo, dawladdana xil dheeraad ah ayaa ka saran.
3.
Waxbarashada aasaasiga ah waxaa loo aqoonsan yahay: dugsiyada quraanka,
dugsiyada hoose, dhexe iyo Sare, ciyaaraha jirka iyo isboortiga,
waxbarashada dadka waaweyn iyo waxbarashada gaarka ah ee dumarka, waana
waajib dawladdu leedahay in ay meelmariso, waxaana jiraya Manhaj midaysan.
4.
Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay daryeel waxbarasho.
5. Qofka
qaangaarka ahi waa u madaxbannaan yahay doorashadiisa waxbarasho iyo
xirfadeed.
6. Waxaa
la furan karaa Dugsiyo waxbarasho, dugsiyo xirfadeed iyo jaamacado gaar
ah waafaqsanna manhajka dawladda.
7.
Dawladda xil ayaa ka saaran dhisme jaamacadeed.
8. Xeer
gaar ah ayaa nidaaminaya waxbarashada madaxa bannaan.
XUBINTA 4AAD
XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA ASAASIGA AH EE QOFKA
QODOBAKA 23AAD
SINNAANTA BULSHADA
1.
Dhammaan dadku waa siman yahay Sharciga hortiisa.
2. Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada,
jinsiyada, hantida, fikrada uu aaminsanyahay, siyaasada, afka iyo isirka.
3.
Dastuurku waxa uu dhowrayaa xushmaynayaana xuquuqda dadka laga badanyahay.
QODOBKA 24
AAD
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qof
kasta waxa uu xor u yahay Caqiidadiisa, lagumana qasbi karo mid kale.
2. Qofka
muslimka ahi kama noqon karo Caqiidadiisa.
QODOBKA 25
AAD
XORRIYADDA FIGRIGA
1. Qof
kasta xor buu u yahay figraddiisa iyo soo-bandhigideeda.
2. Qofku waxa
uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, baahineed,
muuqaal, suugaan iyo habab kale oo xeerka waafaqsan faragelin la'aan.
QODOBKA 26
AAD
XAQA DOORASHADA
1.
Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada looga baahan yahay waxa uu
xaq u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.
2.
Codayntu waa shaqsi, sinaan, xorriyad iyo qarsoodi.
QODOBKA 27
AAD
XAQA QORASHADA ARJIGA
1.
Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu cabasho (Arji) qoran u diro M/weynaha,
Parlamaanka iyo xukuumadaba.
2. Cabasho
kasta oo xeerka waafaqsan dawladdu waa in ay ka jawaabtaa (90) beri
gudahood.
QODOBKA 28 AAD
XAQA KA-MID-NOQOSHADA URURRADA
1.
Muwaadin kasta oo buuxiyey shuruudaha doorashada waxa uu xaq u leeyahay in
uu ka qaybqaato hawlaha, ka mid noqdo ama aasaaso ururro siyaasadeed
dhaqaaleed, bulsheed, cilmiyeed iyo dhaqaneed.
2. Waxaa
reebban jiritaanka ururada leh ujeeddooyin lid ku ah Qawaanniinta dalka
iyo danaha umadda.
3.
Ururrada leh shaqsiyadooda qaannuun, heshiisyada ay xubnuhu ku galaan
ururada, waxa uu waajib ku wada noqonayaa dhammaan xubnaha ururka.
QODOBKA 29
AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
1.
Muwaadin kasta ama qof kasta oo si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa uu
u madaxbanaan yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu
rabo, iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.
2.
Meelaha iyo gooraha ay reebbantahay maridooda iyo galidooda
xeer gaar ah ayaa lagu soo saarayaa.
QODOBKA 30
AAD
XAQA LAHAANSHAHA HANTIYEED
1.
Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho.
2. Waxaa
reebban wax-soosaar kasta oo aan sharciga waafaqsanayn.
3. Qofna
lagama qaadi karo khidmad ama hanti aan sharciga waafaqsanayn.
Qodobka 31
AAD
Xaqa Nolosha Iyo Nabadgelyeynta Jirka
1. Qof
kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa, waxa uuna ku waayi karaa oo keli
ah tan Eebbe mooyaane, markii ay Maxkamad horteed kaga cadaato dembi dil
lagu mutaysan karo.
2. Qof
kasta waxa uu xaq u leeyahay nabadgelyaynta jirkiisa iyo sharaftiisa.
3. Waxaa
reebban dambiyada laga galo xuquuqda Aadamig sida; xasuuqa iyo dil
maxkamad la'aaneed.
Qodobka 32
AAD
Xaqa Madaxbannaanida Qofka
1. Qofna
xorriyadiisa lagama qaadi karo, lama baari karo, lamana xayiri karo haddii
aan qaanuun oggolaan.
2.
Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku waa reebban yihiin.
3.
Dhammaan xorriyaadka qofka waxaa shardi u ah in ayna ka hor imanayn
shareecada islaamka, xeerarka, anshaxa guud, xasiloonida dalka ama
xuquuqda qof kale.
4.
Dastuurka ayaa qof kasta u damaanadqaadaya xuquuqdiisa iyo xorriyadiisaba.
QODOBKA 33
AAD
XAQA MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSENEYAASHA/DEMBIILAYAASHA
1. Qofka
shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerarka waafaqsan
ee wayddiista magangelinta siyaasadeed waa la siin karaa, haddii laga helo
shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada
caalamiga ah.
2. Ma
bannaana in Muwaadin Puntland ah loo dhiibo Dawlad kale.
3.
Puntland waxay dib u celin kartaa dembiile, ama Eedaysane shisheeye ah, oo
dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dad-isu-celineed oo
dhexmaray Puntland iyo dalka weyddiistay celintiisa.
QODOBKA 34
AAD
XAQA HOYGA
1. Hoyga
iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda. Ma
bannaana baaridda, basaasidda iyo galidda hoyga haddii aan amar Garsoore
oo sababaysan jirin ama sharcigu si kale u sheegin.
2. Waxaa
waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama
degganaha hoyga inta aan la galin, baarahana waxaa ka reebban
ku-xadgudubka amarka garsooraha.
QODOBKA 35
AAD
SAXAAFADDA
1.
Saxaafadda iyo warbaahintu
waa madaxbannaan yihiin lamana faragelin karo.
2. Xeer
gaar ah ayaa sii faahfaahinaya nadaamkooda.
QODOBKA 36
AAD
XAQA XORRIYADDA ISGAARSIINTA
Qofna lama
faragalin karo waraaqihiisa boostaha, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo
saxaafadeed iyo qoraalladiisa gaarka ah,, markii laga reebo xaaladaha
xeerku banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda, ama dhegaysigooda iyada oo
ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.
QODOBKA 37
AAD
XORRIYADDA KULAMADA IYO BANNAANBAXYADA
1. Qof
kasta waxa uu xor u yahay in uu sameeyo kulamo iyo bannaanbaxyo ku
salaysan hab nabad-gelyo waase in uu sii wargeliyaa hay’adaha ay khusayso.
2.
Kulamada iyo bannaanbaxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah
Diinta Islaamka, caafimaadka guud, amniga, anshaxa, nidaamka guud iyo
xasiloonida.
QODOBKA 38
AAD
WAAJIBAADKA MUWAADINIINTA
1.
Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah adkaynta midnimada umadda iyo ilaalinta
jiritaanka qaranimada Puntland.
2.
Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah dhowridda diinta islaamka, dastuurka,
xeerarka dalka iyo bixinta canshuuraha ku waajibay.
3.
Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ka-qaybgalka difaaca Puntland markii
loogu yeero ama ay la gudboonaato
4. Xeer
ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta gudasho la'aanta waajibaadka ku
xusan faqrada 1aad, 2aad, 3aad ee qodobkan.
Xubinta 5
AAD
XAQUUQDA ASAASIGA AH
QODOBKA 39
AAD
DACWAD-FURASHO, CIQAAB IYO DEMBI
1. Qof
kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad qaanuunka waafaqsan ka furto
maxkamadaha awoodda u leh.
2. Qofna
looma qaban/xiri karo fal markii uu galay aan dambi ku ahayn qaanuunka.
3. Ciqaab
aan maxkamad ka soo bixin cidna laguma fulin karo.
4. Dembi
iyo ciqaab aan sharciga waafaqsanayn ma jiri karaan, mas'uuliyadda
faldambiyeedkuna waa shakhsi.
QODOBKA 40
AAD
XUQUUQDA EEDAYSANAHA
1.
Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si qaanuunka
waafaqsan maxkamadi si kama-dambays ah ugu xukunto gelid dembi.
2.
Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunka bannayn waana in 48
Saacadood gudahood lagu hor geeyo garsoore.
3.
Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu akhrido
dambiga lagu soo oogay.
4.
Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan; eheladiisa,
qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, wuxuuna kaloo xaq u leeyahay
in la damiinto haddii sharcigu oggol yahay.
5.
Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado, haddii
uusan awoodi karinna dawladdu waa in ay u qabataa, dadka garaad-dhimmanka
ahna waa la mid.
6.
Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.
7.
Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
QODOBKA 41
AAD
XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN
1. Qofka
ay maxkamaddu xukuntay oo xiran waxa uu xaq u leeyahay in la dhawro
ilaalintiisa, nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminimo.
2.
Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa,
qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa.
3.
Xukumanaha xabsiga ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay daryeel caafimaad,
cunto iyo waxbarasho.
4.
Xukumanaha xabsiga ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay xuquuqda caalamiga ah
ee maxaabiista.
5.
Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato xukunkii
maxkamaddu ku ridday, isaga oo racfaanka u qaadanaya maxkamaddii xukuntay
midda ka sarraysa
QAYBTA LABAAD
QAAB-DHISMEEDKA DAWLADDA
QODOBKA 42AAD
SADDEXDA QAYBOOD EE DAWLADDA
|
Geed Xiji ah(Maydi)
The Yibir Of las Burgabo :
|