|
BiyoKulule Online Bosaso, Somalia |
|
|
Part 3
QAYBTA LABAAD
QAAB-DHISMEEDKA DAWLADDA
QODOBKA 42AAD
SADDEXDA QAYBOOD EE DAWLADDA
1.
Saddexda qaybood ee awoodaha Dawladdu waxay u kala baxaan:
b: Golaha
Wakiillada
t: Golaha
Xukumadda
j: Golaha
Garsoorka.
2. Qofna
kama mid noqon karo in ka badan qayb ka tirsan saddexda awooddood ee
Dawladda.
XUBINTA 1AAD
XEER-DEJINTA
QODOBKA 43
AAD
GOLAHA WAKIILLADA
1. Awoodda
Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiiladda oo matala shacabka
puntland oo dhan.
2. Golaha
Wakiilladu waxa uu ka kooban yahay 66 wakiil oo dadweynuhu soo dooranayo.
3. Muddada
Golaha Wakiilladu waa afar
sanno (4) laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.
4. Golaha
Wakiilladu waxa uu si rasmi ah u dhismayaa 30 maalmood guduhood laga
bilaabo maalinta nadiijada doorashadu soo baxdo.
QODOBKA 44
AAD
SHURUUDAHA LAGU SOO DOORANAYO GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha
Wakiillada waxaa loo dooran karaa Muwaadin kasta oo xilkas ah, miyirkiisu
dhan yahay, reer Puntland ah, da'diisuna aanay ka yarayn 30 sano.
2. Waa in
aysan Maxkamaddi horay ugu xukumin dembi khiyaamo qaran.
3. Waa in
uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waaya-aragnimo u dhiganta.
4.
Maxkamadda sare ayaa leh awoodda-sharciyeed oo lagu hor istaagi karo
musharaxii aan buuxin shuruudaha doorashada.
QODOBKA 45
AAD
SHURUUDAHA LAGU LUMIYO XILKA GOLAHA WAKIILLADA
1.
Xubinimada Golaha Wakiiladda waxaa lagu waayi karaa haddii xubintu: -
b:
geeriyooto;
t:
Istiqaalad Golaha keento Goluhuna ka aqbalo;
j: Iyo
haddii fal dambiyeed kama dambays ah maxkamad ku xukunto.
2. Haddii
xubin ka mid ah Golaha Wakiillada lumiso Wakiilnimadeeda, waxaa
baddalkeeda soo galaya qofka qaabka doorashaddii hore qaannuun u yeesha 30
maalmood gudahooda.
QODOBKA 46
AAD
WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILLADA
1. Goluhu
fadhiga ugu horeeya waxa uu iska dhex-dooranayaa Guddoomiye iyo 2
Guddoomiye-ku-xigeen, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad.
2. Goluhu
Waxa uu iska dhex-dooranayaa Guddiyo fuliya uruuriyana hawlaha Golaha
Wakiillada, muddada labada kalfadhi dhexdood ah.
3. Goluhu
wuxuu yeelanayaa Xog-haye joogto ah, oo aan xubin ka ahayn Golaha
Wakiillada guddoonka Golaha Wakiilladuna soo magacaabo.
4. Goluhu
waxa uu yeelanayaa la taliyayaal waxayna hoos imaanayaan Guddoonka.
5. Golaha
Wakiilladu waxuu yeelanayaan Xeer-Hoosaad u gaar ah.
6. Golaha
Wakiilladu wuxuu leeyahay awoodda ka-doodista, wax-ka-sheegidda iyo
talo-ku biirinta siyaasadda guud ee Xukumadda.
7. Kharash
kasta oo ka baxsan miisaaniyadda horay loo ansixiyay waxaa la horgeeynayaa
Golaha Wakiiladda isticmaalkeeda ka hor.
8. Xeer
kasta oo Golaha la keeno waxaa looga doodayaa qodob-qodob codna loogu
qaadayaa. Haddii aan dastuurku xaddidaad keenin, cod haldheeri ah ayaa
lagu gudbinayaa ama lagu diidayaa.
9. Qaanuun
kasta oo Goluhu ansixiyo madaxweynuhu waxa uu ku saxiixayaa muddo 30
maalmood ah ugu badnaan, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee
dawladda wuxuuna ku dhaqangelayaa 15 cisho ugu yaraan.
10.
Go'aannada Goluhu waxay ku ansaxaan kala-bar iyo hal tirada lagu furo,
fadhiga Golaha haddii aysan jirin qodob Dastuuri ah oo si kale u xaddiday.
11. Meel
kasta oo hanti dadweyne ku jirto sharciyaynteedu waxay ku xiran tahay
ansixinta G/wakiillada.
12. Haddii
M/wenaha iyo ku-xigeenkiisu geeriyoodaan, iscasilaan ama xilka laga wada
qaado, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa xilkii sii wadaya ilaa inta
Golaha Wakiilladu 15 maalmood gudahood ku soo dooranayaan M/weynaha
Dawladda iyo ku xigeenkiisa.
QODOBKA 47
AAD
AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA
1.
Ansixinta/diimada degmo ama gobol cusub haddii xukuumadu soo jeediso.
2. Dib-u-eegidda,
oggolaanshaha, wax-ka-beddelidda iyo diidmada qaanuunnada iyo xeerarka
Xukuumaddu soo jeediso
3.
Ansixinta/diidmada iyo wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Golaha Xukuumaddu soo
bandhigto.
4. Haddii
Ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor sannad-maaliyadeedka
cusub, waxaa lagu sii dhaqmayaa Miisaaniyaddii hore muddo bil ah.
5. U-codaynta
kalsoonida Wasiirrada mid-mid markii uu madaxweynuhu soo jeediyo, waana in
2/3 ee xubnaha Golaha Wakiillada oggolaadaan.
6.
Ansixinta/diidmada barnaamij waxqabad ee Xukuumaddu soo gudbiso.
7.
Ansixinta ama diidmada heshiisyada uu soo bandhigo Golaha Xukuumaddu ee la
xiriira dhismaha dawlad federaal ah oo Soomaaliyeed.
8.
Ansixinta/diidmadda iyo wax ka bedelka heshiisyada caalamiga ah ee
Xukuumaddu gasho.
9.
Ansixinta/diidmada qorshayaalka Xukuumadda ee la xiriira baahinta awoodda
Maamulka.
10.
Ansixinta ama diidmadda muddo 30 maalmood gudahood ah haddii Xukuumaddu
soo saarto xeer xaalad degdeg ah oo ah: (b) musiibo timaada sida duufaan,
(t) dagaal Puntland gasho iyo (j) qalalaase gudaha ah oo lagu burburinayo
jiritaanka puntlnad.
11. Haddii
la diido xeerka xaaladda degdegga ah waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan,
hase yeeshee hawlihii lagu fuliyay xaaladdaas degdegga ah, Golaha
Wakiillada ayaa ansixinaya.
12. Goluhu
waxa uu dooranayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dooranayo si
shaqsi, sinnaan, toos iyo qarsoodi ah marka 1aad iyo marka 2aad waa 2/3
tirada Golaha, marka 3aadna waa haldheeri.
13. Xeer
Goluhu diiday dib looguma soo celin karo golaha ilaa kalfadhiga xiga ee
caadiga ah.
14.
Ansixinta xiritaanka iyo dacwad-ku-oogista Guddoomiyaha Maxkamadda sare
iyo xeer-ilaaliyaha guud haddii midkood ama dhamaantood lagu qabto isaga/iyaga
oo faraha kula jira faldambiyeed culus.
15. Diidmada
qayaxan ee M/weynuhu waxay ku buri kartaa codayn cusub oo Golaha
Wakiilladu ku soo celiyo sharrciga saddex-meel oo labo (2/3) tirada guud
ee Golaha 30 casho gudahood, laga bilaabo taariikhdii diidmada qayaxan.
16. Hubinta
iyo dabagalka xeerarka Goluhu ansixiyo.
17 Goluhu
waxa uu cod haldheeri ah kaga qaadi karaa xasaanada mas’uul kasta oo
xasaanad leh, haddii uu xeer-ilaaliyaha guud soo hordhigo caddayn ay ku
qancaan oo la xiriirta gelid faldambiyeed, markii laga reebo kuwa ku xusan.
18. Awoodda
oggolaansha daabacaada lacagta.
19. Canshuur
aan xeerkeeda Goluhu oggolaan laguma dhaqmi karo.
20.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa Goluhu dooranayaa 2 bilood
ka hor xiliga xukuumada.
21. Oggolaanshaha/diidmada xisaab-xirkii miisaaniyad-sannadeedkii
hore.
QODOBKA 48
AAD
FADHIYADA GOLAHA
1. Golaha
Wakiiladu waxa uu yeelanayaa kalfadhiyadiisa caadiga ah labo jeer
sanadkiiba, Juun iyo Oktoobar.
2.
Kalfadhiga aan caadiga ahayn, waxaa isugu yeeri kara Gudoomiyaha Golaha,
codsi ka yimaada Madaxweynaha iyo 1\4 xubnaha golaha, iyaga oo dhammaan
codsi qoraal ah ku soo dalbanaya.
3. Golaha
Xukuumada & Saraakiisha sare (Agaasime guud iyo wixii ka sareeya) ee
dawlada waxaa loogu yeeri karaa ama ay dalban karaan ka-qaybgalka
fadhiyada Golaha Wakiilladda, si ay uga jawaabaan ama caddayn uga baxshaan
su'aalo xilalkooda khuseeya.
4.
Xaaladda degdegga waxaa laga ansixinayaa Golaha Wakiillada 30 beri
gudahood.
5.
Kalfadhi kasta oo Goluhu yeelanayo waxa uu ku furmayaa 2/3 tirada guud ee
Golaha.
QODOBKA 49AD
XASAANADDA GOLAHA XEER-DEJINTA
1.
Xildhibaannada Golaha Wakiilladu xasaanad ayey leeyihiin.
2.
Xasaanad waxaa loola jeedaa: -
Qofna lama baari
karo gurigiisa iyo jirkiisa, lamana qaban karo haddii uusan faraha kula
jirin fal-dembiyeed culus.
3:
Xasaanad waxaa lagu waayi karaa: -
b. Markii
qofka xasaanadda leh lagu qabto isaga oo faraha kula jira faldambiyeed
culus,
t. Markii
uu lumiyo xilkii uu xasaanada ku yeeshay.
4. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xildhibaan
kasta iyada oo aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha Wakiillada,
wuxuuse u wakiilan karaa qareen.
QODOBKA 50AAD
KALADIRIDDA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha
Wakiillada waxaa la kala diri karaa markii arrimaha ku xusan qodobkan
faqradihiisa 2, 3, iyo 4, ay wada dhacaan ama qaarkood dhaco.
2. Markii
ay iscasilaan aqlabiyadda Golaha Wakiillada;
3. Markii
Goluhu fariisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, aysan jirinna daruuf
kalliftay;
4. Markii
ay sugnaato in Goluhu si bareer ah ugu xadgudbay dastuurka;
5. Markii
ay dhacaan arrimaha ku xusan qodobkan faqradihiisa, 2, 3 iyo 4, M/weynuhu
waxa uu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo
caddaynta qodobkan faqradihiisa 2, 3 iyo 4;
6. Haddii
ay u caddaato maxkamadda dastuuriga ah gelidda qodobkan faqradihiisa 2, 3
iyo 4, waxa ay M/weynaha u gudbinaysaa in ay sugnaatay gelidda eedayntii
lagu oogay;
7.
Caddaynta Maxkamadda markii uu helo Madaxweynuhu ayuu soo saarayaa
qoraalka kaladirista Golaha, isaga oo isla qoraalkaas ku caddaynaya
xilliga doorashada Golaha cusub muddo 45 beri gudahood ah.
8. Inta
Gole cusub laga soo dooranayo Golahahii hore ayaa xilka sii haynaya
fulinayana qorshayaashii hore mase abuuri karaan qorshe cusub.
QODOBKA 51AAD
KALSOONI KALA-NOQOSHADA Wasiirada
1.
Golaha Wakiilladu waa
uu kala noqon karaa kalsoonida Wasiirada mid, iyo wadarba.
2.
Ugu yaraan 6
xildhibaan ayaa soo jeedin karta ka-doodidda kalsooni kala-noqoshada
Wasiirada.
3.
Ugu yaraan 1/3 ee
xubnaha Golaha Wakiillada waa in ay isku raacdaa in laga doodo kalsooni
kala-noqoshada.
4.
2/3 xubnaha golaha
wakiilladu waa in ay u codaysaa kalsooni kala-noqoshada Wasiirada.
5.
Haddii xaaladda ku
xusan qodobkan faqradiisa 4aad dhacdo, Wasiiradu waa dhacayaan, iyaga
ayaase hawlihii sii fulinaya qorshe cusubna ma samayn karaan inta mid
cusub laga soo dhisayo.
6.
Muddada Wasiirada
cusub lagu soo dhisayo waa tan ku xusan qodob 54.2.
XUBINTA 6
AAD
GOLAHA FULINTA
QODOBKA 52
AAD
QAAB-HAWLEEDKA XUKUUMADDA
1.
Nidaamka Xukuumadda P/Land waa parlamaani iyadaana leh awoodda fulinta.
2. Waxay
xoojisaa fulisaana nidaamka Dimoqraadiga ah ee Dastuurku jideeyay.
3. Waxay
ilaalisaa nabadgelyada iyo xasiloonida Guud ee Dalka.
4.
Xukuumadda Puntland waxay u qaybsantaa: -
b:
Xukuumadda dhexe ee P/land;
t:
Maamulada Gobollada/Degmooyinka.
5. Awoodda
iyo xiriirka Xukuumadda Dhexe iyo maammullada Gobollada iyo Degmooyinka
waxaa kala qeexaya xeer gaar ah.
6.
Xukuumaddu waxay dajisaa, fulisaa Istiraajiyada dhaqaale, siyaasadeed iyo
qorshaha guud ee horumarka dalka.
7. Waxa ay
dajisaa fulisaana oddoroska maaliyadeed, lacagta iyo maalgelinta
shisheeyaha.
8. Waxa ay
diyaarisaa Miisaaniyad-Sannadeedka ku-talagelka ah ee Dawladda.
9.
Qaadashada Saraakiisha sare ee Dawladda iyo Madaxda ciidamada waxaa soo
jeedinaya madaxda ay khusayso, waxaana oggalaanaya Golaha Xukumadda, iyada
oo lagu xulanayo aqoon iyo waayo-aragnimo.
10.
Agaasimayaasha guud ayaa u xil saaran fulinta maamulka wasaaradaha iyo
hay'adaha iyaga oo raacaya siyaasada Dawladda.
QODOBKA 53
AAD
SHURUUDAHA LAGU DOORANAYO MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA.
Shuruudaha lagu
dooranayo Madaxweynaha Dawladda iyo Ku-xigeenkiisa waa sidan: -
1. Waa in
uu yahay Somali (Labadiisa waalid), muslin ah kuna dhaqma Diinta Islaamka,
isla markaasna ah muwaaadin Puntland, miyirkiisu taam yahay, dadiisuna aan
ka yarayn 40 sano marka uu xilka qabanayo.
2. Waa in
uu aqoon maamul, waayo-aragnimo hogaamineed iyo tacliin sare leeyahay,
waana in uusan qabin xaas ajnabi ah, guursana karin inta uu xilka hayo.
3. Waa in
uu uusan gelin dembi khiyaamo qaran, dembi bini aadaminimada ka horjeeda
iyo in aan lagu aqoon fal mujtamaca dhexdiisa ku xun.
4. Qofka
madaxweyne ama madaxweyne ku-xigeen isu soo sharrxayaa Golaha wakiillada
iyo Dadweynahaba waa ka imaan karaa.
QODOBKA 54
AAD
AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNAHA
1. Waa
Madaxa Dawladda iyo guddoomiyaha golaha fulinta. Waxa uu metelaa midnimada
dadweynaha P/land..
2. Madaxweynaha iyo Mamaxweyne ku-xigeenku xukuumadda waxa ay ku
soo dhisayaan 21 beri gudahood.
3. Waxa uu
leeyahay magacaabidda\xilkaqaadista Xubnaha Golaha Xukuumada, isaga
oo la
tashanaya ku-xigeenkiisa.
4. Waxa uu
leeyahay Awoodda saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.
5. Waxa uu
leeyahay awoodda saxiixyada heshiisyada Dawlad Soomaaliyeed oo Federaal
ah.
6. Waa
taliyaha guud ee Ciidamada Nabad-gelyada.
7. Waxa uu
leeyahay awoodda fidinta saamaxaada iyo cafiska markii uu helo talo-soo-
jeedinta hay'adaha garsoorka.
8. M/weynaha
ama Xaafiiskiisu waxay leeyihiin qaabbilaadda martisharafka Ajinebiga ah.
9. Waxa uu
dalka dibeddiisa ugu safri karaa danaha puntland.
10. Waxa uu
u xilsaaran yahay ilaalinta, dastuurka, Diinta Islaamka, dhaqanka suuban,
iyo xeerarka dalka.
11. Waxa uu
leeyahay awooda hadal-jeedinta furintaanka kalfadhiyada Gol/wakiillada.
12. Waxa uu
leeyahay awoodda ku-dhawaaqidda xaaladaha degdegga ah, markii uu la
tashado Golihiisa xukuumadda, isla markaana wargeliyo Golaha Wakiillada (arag
47.10).
13.
Madaxweynaha iyo xaafiiskiisu waxa ay leeyihiin in ay billadsharaf iyo
abaalmarin ku bixiyaan magaca iyo haybadda umadda puntland.
14. Waxa uu
saxiixaa xeerarka Golaha Wakiilladu ansixiyaan.
15. M/weynuhu
waxa uu awood u leeyahay awoodda dib u-celineed ee xeerarka Golaha
Wakiilladu ansixiyaan. Waa in uu sababayn cad raaciyaa dibu-celinta xeerka
(arag 47.15).
16. Mudadda
Madaxweynahu xilka hayn karo waa 4 sanno, waxaana la dooran karaa
2(labo) jeer oo keli ah.
17.
Hadiyadaha la siiyo mas'uuliyiinta sare iyo murwooyinkooda ee leh
muuqaalka qaran waa hanti qaran.
18. Ku
dhawaaqida wakhtiyada doorashada.
19.
Soo-saarida xeerar hawlfulineed.
20. Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo 60 beri ka badan.
QODOBKA 55
AAD
AWOODAHA IYO XILALKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Sii
wadidda dhammaan xilalka M/weyanaha markii uu dalka ka maqan yahay, ama
uusan si kumeelgaar ah xilka u gudan karin.
2.
Kala-talinta Madaxweynaha xulashada wasiirada iyo shaqo-ka-fariisintooda.
3. Fulinta
hawlaha M/weynahu u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka
Madaxweynaha.
4. Haddii
uu Madaxweynuhu geeriyoodo, xilka laga qaado ama uu iscasilo, xilkiisu
waxa uu ku wareegayaa Madaxweyne Ku-xigeenka muddada inta ka hartay.
5. Haddii
xaaladda ku xusan Qodobkan Faqradiisa 4aad dhacdo, Golaha Wakiilladu waxa
uu soo dooranayaa ku-xigeen 30 maalmood gudahood.
QODOBKA 56AAD
XIL-KA-QAADISTA M/WEYNAHA IYO KU XIGEENKIISA
1.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa xilka laga qaadi karaa markii Golaha
Wakiilladu ku oggolaadaan Cod 2/3 meelood oo shaqsi, sinnaan, toos iyo
qarsoodi ah markii lagu soo eedeeyo khiyaamo qaran, xil-gudasho la'aan,
ku-xadgudub dastuur iyo fal-dambiyeed culus oo Xeer-ilaaliyaha Guud soo
hordhigo Golaha, Goluhuna ku qanco.
2. Golaha
Wakiilladu, markii ay u codeeyaan kuna aqbalaan laba-dalool (2/3) ee
xubnaha Golaha Wakiillada ayaa eedayn lagu soo oogi karaa M/weynaha iyo
ku-xigeenkiisa.
QODOBKA 57
AAD
GOLAHA XUKUUMADDA
1. Golaha
Xukuumaddu waxa uu ka kooban yahay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeen iyo
ugu badnaan 9 Wasiir, iyo ugu badnaan 9 wasiir-ku-xigeeno.
2.
Muwaadin kasta oo leh sharuudaha lagu doorto Xildhibaanka ka sakow, qofka
loo magacaabayo Wasiir waa in uu leeyahay aqoon sare oo gaarsiisan heer
jaamacadeed iyo xirfad maamul oo gaarsiisan ilaa 5 sano.
3.
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, iyo Saraakiisha sare
ee Dawladdu ma geli karaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo gaar ah, inta ay xilka
hayaan
4. Markii
madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirada iyo Saraakiisha sare ee
Dawladda loo magaacabo xilka, waxaa la diiwaangalinayaa hantidooda iyo
sidoo kale marka xilka laga qaado, waxaana diiwaangelinaya Hantidhawrka
guud.
5.
Qaab-dhismeedka waaxyaha Xukuumadda waxaa lagu soo saarayaa xeer hoosaad
kala qeexa hawlahoodda.
6. Sida ku cad 47.20, xukuumaddu waxa ay ku diyaarineysaa
xil-wareejinta labada bilood ee xilligeeda ugu dambeeya.
QODOBKA 58
AAD
WAAJIBAADKA WASAARADAHA IYO HAY'ADAHA XUKUUMADDA
1.
Xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 9 wasaaradood. Meeshii wasaaradii
caddaalada waxaa gelaya wasaarada Diinta iyo awqaafta.
2. M/weynuhu
isaga oo la tashanaya M/weyne ku-xigeenkiisa waxa uu abuuri karaa
wakaalado gaar ah oo loo xilsaaro hawlo cayiman.
3. Xeer
gaar ah ayaa lagu kala qeexayaa howlahooda, waana in xeerku ka horeeyo
dhismaha wakaaladda.
4.
Dhammaan wakaaladaha Xukuumaddu waxay u shaqaynayaan hab waafaqsan
Dastuurka.
5.
Mas'uuliyadda Golaha Xukuumaddu waa wadar iyo shaqsi.
6. Cid aan
Dawladda ahayn ama aysan fasax u siin hub kuma haysan karto dalka
gudihiisa.
7.
Tayeynta ciidamada nabadgalyada dalka.
8.
Qorshe-u-dejinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa soo bara kacay.
9.
Dhaqancelinta bulshadii ku aafoowday dagaallada sakooye.
10.
Diyaarinta qorshe dhaqan-dhaqaale oo isu dheelitiran, iyada oo la
sameynayo baaris-cilmiyeed ku wajahan khayraadka dabiiciga ah.
11. Tayeynta
arrimaha bulshada.
12.
Ilaalinta iyo diiwaangelinta hantida dadweynaha.
QODOBKA 59AAD
XILKA WASIIRKA
1.
Wasiirku waa
mas'uulka ugu sarreeya wasaaradda loo magacaabo.
2.
Waxa uu fuliyaa
siyaasada guud ee dawladda.
3.
Waxa uu go aamiyaa
soona jeediyaa dallacsiinta, casilaadda, abaalmarinta iyo shaqo-ka-
fadhiisinta shaqaalaha xilkiisa hoos yimaada isaga oo latashanaya wasiir
ku-xigeenka.
QODBKA 60
AAD
XILKA WASIIR KUXIGEENKA
1. Wasiir ku-xigeenku waxa uu qabanayaa dhammaan xilalkii wasiirku
qaban jirey markii uu maqan yahay ama uusan si kumeelgaar ah xilka u gudan
karin.
2. Waxa uu kala taliyaa
wasiirka dhammaan hawlaha wasaaradda.
3. Fulinta hawlaha
wasiirku u wakiisho oo aan ka baxsanayn xilalka iyo waajibaadka wasiirka.
QODOBKA 61AAD
HAY'ADAHA MADAXA BANNAAN
1.
Hay'adaha Madaxa bannaan ee dawladdu waxay ka kooban yihiin oo keli ah:-
b:
Hanti-dhawrka guud,
t:
Bankiga Dhexe,
2.
Guddoomiyayaasha Hay’adaha Madaxabannaan waxa soo jeedinaya Golaha
xukuumada waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.
3.
Hay’adaha madaxabannaan waxa ay u hoggansamayaan sharciga oo keli ah,
warbixinta hawlahoodana waxa ay siinayaan Golaha Xukuumadda iyaga oo
ogeysiin siinaya Golaha Wakiillada.
4. Bankiga
dhexe wuxuu yeelanayaa Guddi sare oo ka kooban 7 xubnood oo kala ah:-
b.
Guddoomiyaha Bankiga,
t.
Aggaasimaha Guud ee Maaliyadda,
j.
Aggaasimaha Guud eeWasaarada Ganacsiga,
x.
Aggaasimaha Guud ee Shaqada iyo shaqaalaha
kh. 3
xubnood oo ka socda maamulka sare ee rugta ganacsiga, iyo xog-hayn aan
cod lahayn, oo noqonaya Aggaasimaha guud ee Bangiga.
5.
Xilwaajibaadka Guddiga waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana
ansixinaya Golaha Wakiillada.
QODOBKA 62
AAD
WAKAALADAHA
1
Dastuurku waxa uu oggol yahay in la aasaaso shirkado wadaag ah.
2 Madaxda
Wakaaladaha waxaa soo jeedinaya wasiirka ku shaqada leh, waxaana
oggolaanaya Golaha Xukuumadda,
3
Shirkadaha wadaagga ah madaxdooda waxaa isla ansixinaya Wasiirka ku
shaqada leh iyo madaxda dadka wadaagga ah.
QODOBKA 63AAD
XASAANADDA GOLAHA FULINTA & HAY’ADAHA MADAXA BANNAAN
1.
Xasaanad waxaa leh:
b: Golaha
Fulinta,
t:
Gudoomiyayaasha Hay'adaha Madaxa Bannaan
2. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubin golaha
xukuumadda ka tirsan iyo guddoomiyeyaasha Hantidhawrka iyo Bangiga dhexe
iyada oo aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha wakiillada.
XUBINTA 3AAD
GARSOORKA
QODOBKA 64AAD
MADAXBANNAANIDA IYO DHISMAHA GARSOORKA
|
Geed Xiji ah(Maydi)
The Yibir Of las Burgabo :
|