|
BiyoKulule Online Bosaso, Somalia |
|
|
DAWLAD-GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
Dastuurka Puntland
Garoowe
ARARTA DASTUURKA
PUNTLAND
Magaca Naxariista iyo Naruurada Rabbi dartood. Annaga oo ah Dadka Puntland.
Waxaa naga go’aan ah in aan waa cusub ambaqaadno, si aan uga soo kabanno
musiibadii, raadkii iyo dhaxalkii ay reebeen dagaalladii sokeeye. Waxaan ku mintidaynaa ambaqaadka iyo yagleelidda hannaan iyo hab cusub oo horseedi kara dawlad Soomaaliyeed oo federaal ah kuna dhisan nabad, caddaalad iyo demoqaraadiyad. Annaga oo ka duuleyna mabd’a wadatashiga iyo wax-wadaag caddaalad ku dhisan waxaan dooneynaa in aan walaalahayaga Soomaaliyeed ku wada noolaanno isqadarin iyo isu garowsho.
Waxaan aaminsanahay in midnimada Soomaaliyeed ay ku dhalan karto hannaan
nabadeed iyo isla oggolaansho ka yimaada dadka Soomaaliyeed.
Waxaan ku hawlgelaynaa, walaalahayo Soomaaliyyedna ugu yeeraynaa in aan
wadajir ugu halgalno dib u dhiska qarankii Soomaaliyeed oo burburay.
Annaga oo ka duuleyna xigmadahaan sare iyo sooyaalka taariikheed ee ku
salaysan Caqiidada iyo Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suuban, waxaan ku
guuleysanney in aan 1998dii dhisno Dawlad-goboleedka Puntland oo
qayb ka mid ah dawlad Soomaaliyeed oo federaal ah.
Haddaba Golaha Wakiillada ee puntland oo ka duulaya waayihii adkaa ee la soo
maray fulinayana dardaarankii shirweynihii wada tashiga ee Garowe 1998dii,
ee Axdiga qodobkii 28, ayaa kalfadhigii 3aad ee Golaha Wakiillada
lagu dhisay Guddiga Diyaarinta iyo isku duba ridka Dastuurka Puntland oo
bedeli doona Axdiga ku-meel-gaarka ah. Dadaal iyo wadatashiyo badan kadib
Guddigu waxa uu soo dammaystirey Dastuurka Puntland soona hordhigay Golaha
Wakiillada.
Golaha Wakiillada oo ka duulaya rabitaanka iyo aayaha dadweynaha Puntland
waxa ay si taxadar iyo feejignaan leh uga doodeen 2 kalfadhi daraftigii
Guddigu soo hor dhigey, ugu dambaystiina Goluhu wuxuu Dastuurka u ansixiyay
si buuxda 05/06/2001.
Dastuurka cusub ee Puntland waxaa lagu saleeyey: ü Shareecada Islaamka ü Habka wadatashiga iyo go’aan wadaagga ü Isu dheellitirnaanta awoodaha Dawladda; xeer-dejint, fulinta iyo garsoorka ü Baahinta xukunka ü Habka xisbiyada ü Damaanad qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo ganacsiga suuqa xorta ah
ü
Sugidda
xuquuqda assaasiga iyo nolosha qofka, sugidda Nabadgelyada iyo xasiloonida. Dastuurka cusub, waxa uu ka kooban yahay: -
2.
11 xubnood iyo 100
qodob oo dhammaantood si musalsal ah isugu habaysan.
Golaha Wakiillada, wuxuu
dadweynaha Puntland u soo gudbinayaa in ay dastuurkaan dhuuxaan si ay
mustaqbalka codkooda ugu ansixiyaan
QAYBTA KOOWAAD
Xubinta 1aad
QODOBKA 1AAD
SARRAYNTA SHARCIGA
Sharciga ayaa ka sarreeya cid kasta.
QODOBKA 2AAD
MAGACA IYO NIDAAMKA DAWLADDA
1.
Magaca Dawladdu waa Dawlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
2. Puntland
waa dawlad-goboleed Soomaaliyeed oo madaxbannaan kuna dhisan habka
wadatashiga, demoqoraadiyadda iyo xisbiyada.
3. Maamulka
dawladdu waa mid baahsan, awoodda ugu sarraysana - tan Eebbe mooyee -
shacabka ayaa leh, isaga oo awooddaas u adeegsanaya si toos ah oo dastuurka
iyo shuruucda waafaqsan, qof ama qayb ka mid ah shacabkuna ma sheegan karo,
kumana takrifali karo gooni ahaan.
4. Puntland
waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadigoobka iyo dhawridda
dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
QODOBKA 3AAD
DHULKA, SOOHDIMAHA IYO XUQUUQAHA SOOHDIMAHA
1. Puntland
waxa ay ka kooban tahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Koofurta Togdheer (Deegaannada
Buuhoodle), Mudug oo laga reebay Deegaannada Hobyo iyo Xarardheere iyo
Gobolka Sanaag oo laga reebay degmada Ceel-afweyn iyo waqooyi- galbeed ee
degmada Ceerigaabo.
2.
Soohdimaha Puntland waa kuwa Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la
lahaayeen derisyadooda dagaallada sokeeye ka hor, midnimada Puntland-na
laguma soo xadgudbi karo; dhul, cir iyo bad toona.
3. Inta ku
siman soohdimaheeda (dhul, cir iyo badba), Puntland waxa ay leedahay
xuquuqihii awoodeed oo ay lahaayeen dawladdihii hore.
QODOBKA 4AAD
DADKA
Dadka Dawlad-goboleedka Puntland waa muwaadiniinta puntland oo dhan lamana
kala qaybin karo.
QODOBKA 5AAD
MUWAADINNIMADA
1.
Muwaadinimada Puntland waxaa soo caddeynaya Degmada uu qofku ka tirsan yahay.
2
Muwaadinku ma luminayo jinsiyadiisa Puntlandinimo haddii uu dhalasho kale
qaato.
3 Helida
iyo dhuminta muwaadinnimada Puntland waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah
3-bilood kaddib dhaqan galka Dastuurka.
QODOBKA 6AAD
DIINTA
1. Diinta
Islaamku waa tan qur ah ee dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
2. Diin aan
tan Islaamka ahayn laguma fidin karo dalka dawlad-goboleedka Puntland,
qawaaniinta iyo dhaqanka bulshadana waxaa saldhig u ah diinta Islaamka.
QODOBKA 7AAD
MAGAALOMADAXDA
1.
Magaalo-madaxda dawlad-goboleedka Puntland waa Magaalada Garoowe waana
fadhiga dhexe ee dawladda.
2.
Magaalomadaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah saddex bilood gudahood
lagu soo saaro laga bilaabo dhaqangalka dastuurka.
QODOBKA 8AAD
AFKA
Af-Soomaaligu waa
afka rasmiga ah ee dawlad-goboleedka Puntland, afaf kalana waa la adeegsan
karaa.
QODOBKA 9AAD
ASTAANTA, CALANKA IYO HEESTA DAWLAD-
GOBOLEEDKA PUNTLAND
1. Astaanta,
Calanka iyo heesta Dawlad-goboleedka Puntland waa kuwii Qarankii
Soomaaliyeed.
Xubinta 2aad
QODOBKA 10AAD
WADAHADAL IYO WAX-WADAAG FEDERAALNIMO
1. Puntland
waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku
dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah
oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan
habka federaaliga ah.
2.
Waxyaalaha dawlad-goboleedku Puntland ay ku wareejin doonto dawladda
Federaalka ah waxaa ka mid ah: Arrimaha socdaalka, difaaca, arrimaha
siyaasada dibedda, istaambada boostada, lacagta, habka cabbiraadda.
3. Wixii
intaas dheeri ka ah waxay ku imaanayaan wadahadal dhexmara dawladda
federaalka ah iyo dawlad-goboleedka.
QODOBKA 11
AAD
XIRIIRKA DIBEDDA
1.
Dawlad-goboleedka Puntland waxay dhawraysaa heshiiyadii ay Dawladihii hore
ee Soomaaliya la galeen dawlad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiiyadaas
aysan ka hor imaanayn danaha iyo maslaxadaha Puntland.
2.
Dawlad-goboleedka Puntland waxay dhawraysaa heshiiyadii ay Dawladihii hore
ee Soomaaliya la galeen shirkad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiiyadaas
aysan ka hor imaanayn danaha iyo maslaxadaha Puntland.
3.
Dawlad-goboleedka Puntland waxay aqoonsan tahay kuna dhaqmaysaa Axdiyada
Qaramada Midoobay iyo qaanuunka dawliga ah; waxaa kale oo ay xurmaynaysaa
Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga wixii aan ka hor imaanayn
shareecada islaamka iyo qawaanniinta puntland.
4. PUNTLAND
waxay xushmaynaysaa, oggoshahayna Axdiyada Ururka Midowga Afrika (OAU),
Jaamacadda Carabta, Urur-goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), iyo
Ururka Mu'tamarka Islaamka(OIC).
5. Puntland
waxay aqoonsan tahay mabaadii'da aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
6. Puntland
waxay taageeraysaa hindisooyinka ah in khilaafaadka aasaasiga ah ee abuurma
ama hor u jireyba lagu dhammeeyo wadahadal iyo hab nabadeed.
7.
Dawlad-goboleedka Puntland waxay ka soo hor jeeddaa argagixisnimada.
DHISMAHA SIYAASADEED EE PUNTLAND
QODOBKA 12 AAD
XISBIYADA
1.
Dawlad-Gobeleedka Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka xisbiyada.
2. Waxaa
jiraya ugu badnaan saddex xisbi siyaasadeed.
3. Waxaa
reebban xisbiyada iyo ururrada leh dabeecad ciidan iyo qabiil.
4. Qofkii
xisbi kaga guulaysata kursi kana baxa xisbiga waxa uu waayayaa kursigii uu
xisbiga ee uu ku guuleystay.
5. Nidaamka xisbiyada waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah oo
Xukuumadu soo jeediso Goluhuna ansixiyo.
6. Hantida
Qaranka looma isticmaali karo hawl xisbiyeed.
7. Ciddiin ay ku cadaato in ay u isticmaashay hantida Qaranka arrimo
xisbi waxaa la hor geynayaa maxkamad.
QODOBKA 13 AAD
SHURUUDAHA FURASHADA XISBI SIYAASADEED
Xisbi
kasta oo la furayo waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda:-
b. Waa in uu
leeyahay barnaamij Siyaasadeed oo himilo waddaniya leh;
t: waa in
uu leeyahay Dastuur,
j: Waa in
uu leeyahay Saldhig dhaqaale oo damaanad qaadi kara jiritaanka xisbiga oo
dhan (100Malyan oo Sh,So ah) lana dhigo Bangiga Dhexe.
QODOBKA 14AAD
DHISMO-XUKUUMADDEEDKA XISBIYADA
1.
Xisbigii ku guuleysta
ugu yaraan 51% kuraasta guud ee Golaha Wakiillada ayaa Dawladda soo dhisaya.
2.
Haddii xaaladda ku
xusan 13.1 dhici weydo dawlad wadaag ah ayaa la soo dhisayaa, iyada oo
xisbiga ugu xubnaha badani hoggaaminta yeelanayo.
3.
Haddii labo xisbi ama
ka badan isxubno le’ekaadaan, xisbiyadu wadahadal ayay ku go’aansanayaan
cidda hoggaaminta yeelaneysa.
QODOBKA 15AAD
TIROKOOBKA
1.
Dadweynaha Punltland tobankii sanaba mar baa la tirokoobayaa.
2.
Waqtiga tirokoobtu ka bilaaban doonto xeer gaar ah baa lagu soo saari doonaa.
QODOBKA 16 AAD
GUDDIGA DOORASHADA
1. Waxaa
jiraya Guddi doorasho oo Guddoonka Golaha Wakiilladu soo jeediyo Goluhuna
ansixiyo.
2. Waxaa
Guddiga doorashada la magacaabayaa 3 saddex bilood ka hor waqtiga doorashada,
waxa uuna ku egyahay saddex bilood kaddib ee dhammaadka natiijada
doorashada.
3. Guddigu
waxa uu u hoggaansamayaa sharciga oo keli ah.
4. Markii la
ansixiyo guddiga doorashada, guud ahaan iyo gaar ahaan toona xilka lagama
qaadi karo waxna lagama beddeli karo.
5. Guddigu
warbixinta doorashada waxa uu u gudbinayaa Guddoonka Golaha wakiillada,
Madaxtooyada iyo Maxkamadda Sare.
6.
Guddoomiyaha Guddiga
doorashada waxaa soo jeedinaya guddoonka Golaha waxaana ansixinaya Golaha.
7. Tirada
Guddiga Doorashadu kama yaraan karto 15 xubnood.
8. Awoodaha
iyo xil-waajibaadkaadka guddiga waxaa lagu qeexayaa xeer gaar ah oo Golaha
Wkiilladu soo saaro ansixiyaana.
XUBINTA 3AAD
MABAADIIDA GUUD
ARRIMAHA BULSHADA
QODOBKA 17AAD QOYSKA.... |
Geed Xiji ah(Maydi)
The Yibir Of las Burgabo :
|