BiyoKulule Online  Bosaso,  Somalia                       

Contact@biyokulule.com

Part 4

XUBINTA 3AAD

GARSOORKA

QODOBKA 64AAD

MADAXBANNAANIDA IYO DHISMAHA GARSOORKA

 

1.         Garsoorku waa ka madaxbannaan yahay Golayaasha xeerdajinta iyo fulinta.

2.         Garsoorku waa u madaxbannaan yahay hawlihiisa garsoor iyo maammulba, waxa uuna u hoggaansamayaa sharciga oo keli ah.

3.         Garsoorku waxa uu ka kooban yahay: 

b:         Maxkamadaha caadiga ah iyo

t:          Xafiiska xeer-ilaalinta guud.

 

QODOBKA 65AAD

GUDDIGA SARE EE GARSOORKA IYO AWOODIHIISA SHARCI.

 

1.         Guddiga Sare ee Garsoorku waa hay'adda ugu Sarraysa Maammulka Garsoorka.

2.         Waxaa lagu dhisayaa laguna maammulayaa xeer gaar ah oo Xukuumaddu soo jeediso, Golaha Wakiilladuna ansixiyo.

3.         Guddiga sare ee Garsoorku waxa uu ka kooban yahay: -

b.         Guddoomiyaha Maxkamadda sare,

t.          Xeer-ilaaliyaha guud,

j.          Saddex Garsoore oo ka mid ah Garsoorka,

x.         Laba Garyaqaan oo bulshada laga soo xulay.

4.         Saddexda Garsoore ee ka tirsan garsoorka iyo labada garyaqaan ee bulashada laga soo xulay, waxaa soo sharaxaya Golaha Xukuumadda, waxaana aggolaanaya Golaha wakiilada.

5.         Guddiga sare ee Garsoorka, waxaa awooddiisu tahay una xilsaaran yahay Magacaabidda, shaqo-ka-fariiisinta, beddelka, dallacsiinta, anshaxa iyo abaalmarinta Garsoorayaasha, iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka.

6.         Shuruudaha guddiga sare ee Garsoorku ku qaadanayo Garsoorayaasha, Qaadiyadda iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka waxaa lagu qeexayaa xeerka garsoorka.

7.         Guddiga sare ee Garsoorka waxaa lagu nidaaminayaa xeer gaar ah oo ay xukuumaddu soo jeediso, golaha wakiilladuna ansixiyo.

8.         Xubnaha guddiga sare ee garsoorku hal mar shada iskama wada casili karaan.

 

QODOBKA 66AAD

MAXKAMADAHA CAADIGA AH

 

Maxkamadaha caadiga ah waxay ka kooban yihiin:-

b.         Maxkamadda Sare.

x.         Maxkamadaha Racfaanka ee Gobolada.

j.          Maxkamadaha Derejada koowaad.

 

QODOBKA 67 AAD

MAXKAMADDA SARE

 

1.         Maxkamadda sare waa tan ugu sarraysa Maxkamadaha caadiga ah.

2.         Maxkamadda sare waxa ay leedahay awoodda qaadista dacwadaha:

3.         Dacwadaha laga soo qaatay Racfaan ee xukunnaddoodu ka soo dhamaadeen Maxkamadaha Racfaanka; 

            b.         Dacwadaha idaariga ah oo iyagu toos uga bilawda maxkamadda sare.

4.         Fadhiga Maxkamadda sare waa Caasimadda Puntland, waxayna dacwadaha ku qaadi kartaa meel kasta oo Puntland ka mid ah.

5.         Tirada Garsoorayaasha xubnaha ka ah Maxkamadda sare waa shan (5) Xubnood, Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo saddex Garsoore.

6.         Magacaabista/xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada.

7.         Garsoorayaasha kale ee Maxkamadda sare waxay ku soo baxayaan xeerka nidaamka               Garsoorka.

8.         Garsoorayaasha maxkamadda sare hal mar xilka iskama wada casili karaan.

                       

QODOBKA 68AAD

MAXKAMADAHA DARAJADA KOOWAAD

 

1.         Maxkamadaha Derajada Koowaad ee Degmooyinku waa Maxkamadaha ay ka bilawdaan dacwaduhu nooc kasta ha ahaadeene, kuwa ciqaabta iyo kuwa madaniga ah iyo arrimaha qoyska markii laga reebo dacwadaha idaariga ah oo iyagu ka bilawda Maxkamadda sare.

2.         Tirada Garsoorayaashu ama Qaadiyada Maxkamadaha darajada koowaad waxay ku soo baxayaan xeerka nidaamka garsoorka.

 

QODOBKA 69AAD

MAXKAMADAHA RACFAANKA

 

1.         Fadhiyada Maxkamadaha Racfaanku waa Magaalo-Madaxyada Gobollada.

2.         Maxkamadaha Racfaanku waxa ay qaadaan dacwadaha Racfaanka laga soo qaatay ee xukunnadoodu ka soo dhamaadeen Maxkamadaha derejada kowaad.

3.         Awoodda  Maxkamadda  racfaanku waxa ay ku egtahay Gobalkeeda.

4.         Tirada Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanku ugu yaraan waa saddex.

5.         Shuruudaha xildhibaannimada ka sokow, garsoorayaasha loo qaadanayo maxkamadda racfaanku waa in ay haystaan shahaado kulliyad sharci oo la aqoonsan yahay ama khibrad weyn oo xagga shareecada Islaamka ah.

 

XUBINTA 4AAD

QODOBKA 70AAD

XEER-ILAALINTA GUUD

 

1.         Xarunta xeer-ilaalinta guud waa Caasimadda Puntland.

2.        Awoodda xeer-ilaaliyaha guud waxa ay ku fidsan tahay dalka Puntland oo dhan. 

3.         Magacaabistiisa/Xilka-qaadistiisa Xeer-ilaaliya Guud waxaa soo jeedinaya xukuumadda, waxaana oggolaanaya Golaha Wakiiladda.

4.        Xafiiska xeer-ilaalinta Guud waxa uu ka kooban yahay: -

 

b.         Xeer-ilaaliyaha guud

t.          Ku-xigeenadiisa oo gobolkiiba hal ah.

 

QODOBKA 71AAD

AWOODAHA IYO XILALKA XEER-ILAALIYAHA GUUD

 

1.         Xeer-ilaaliyaha guud, waxa uu awood gaar ah u leeyahay in uu dacwad ku oogo kagana muddaco Madaxda sare ee Dawladda Maxkamad horteed.

2.         Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu u xilsaaran yahay: -

b.         Ilaalinta ama dhowrista sharciga iyo ka-hortagga dhaqanxumada.

t.          Baarista, oogista iyo ku-muddaca dambiyada maxkamadda horteeda.

j.          Kormeeridda xabsiyada iyo xarumaha dhaqancelinta,

x.         Ilaalinta iyo difaaca xuquuqaha Agoonta, Dadka aan dhimirkoodu dhammayn iyo cid kasta oo u baahan daryeel sharci.

QAYBTA 3AAD

XUBINTA 1AAD

QODOBKA 72 AAD

DAMAANADQAADKA GARSOORKA (JUDICIAL GUARANTEES)

 

1.         Garsoorayaashu kama shaqayn karaan shaqo ka hor imaanaysa garsooridooda.

2.         Garsoorayaasha laguma faragalin karo hawlahooda garsoor.

3.         Dhegeysiga dacwaduhu waa u furan yahay dadweynaha, hase yeeshee Garsooruhu waxa uu soo saari karaa amar dacwadda albaabada loogu xiro, sababo liddi ku ah dhaqanka wanaagsan, caafimaadka iyo nabadgelyada guud awgood.

4.         Lama soo saari karo lamana ridi karo go'aan Maxkamadeed haddii aan dhinacyada dacwadda laga wada qaybgelin si ay isu difaacaan, haddii aan qaanuunka si kale u sheegin.

5.         Go'aannada garsoorka iyo awaamiirta la xiriirta waa in ay sababaysnaadaan, waxaana loo duri karaa si sharciga waafaqsan.

6.         Maxkamaddu qofka waa in ay u sheegtaa dembiga uu ciqaabta ku mutaystay.

 

QODOBKA 73AAD

XILALKA GARSOORKA

 

1.         Mas'uuliyadaha, awoodaha iyo shaqooyinka Garsoorka waxaa xaddidaya Qaynuunka (Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Dawladda Puntland).

2.         Waxaa si sharci ah lagu dhisi karaa laamo Maxkamaddeed oo ka mid ah maxkamadaha darajada koowaad sida qaybta ciqaabta, qaybta madaniga ah iyo qaybta arrimaha qoyska.

3.         Maxkamad ciidan waxaa ladhisi karaa oo keli ah xiliga dagaalka.

4.         Wakhtiyada nabada Maxkamada ciidamadu waxa ay qaadi kartaa oo keli ah dacwadaha ciidanka khuseeya.

QODOBKA 74AAD

MAXKAMADDA DASTUURIGA AH

 

1.      Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa lala dhisayaa xukuumadda waxayna ka dambeyneysaa lix bilood (lifaaq ayaa raaci doona).

2.      Xarunta maxkamadda Dastuuriha ahi waa Caasumadda Puntland.

3.   Xubnaha Maxkamadda dastuuriga ahi waa 11 garsoore, waxa ayna ku imaanayaan sidan:

b)      Shanta xubnood ee Maxkamadda Sare; 

t)    Lix xubnood oo bulshada laga soo xulay. 

4.   Maxkamadda Dastuuriga ahi waa ka madaxbannaan tahay saddexda Gole ee  dawladda

5.   Maxkamaddu waxa ay u hoggaansamaysaa sharciga oo keli maammul ahaan iyo garsoor ahaanba.

6.   Xoghayaha maxkamaddu waxa uu noqonayaa Xoghayaha Maxkamadda Sare

7.   Sabab kasta awgeed ha ku timaadee haddii kaalin ama ka badan ka bannaanaato maxkamadda dastuuriga ah, 45 beri gudahood waa in lagu soo magacaabaa.

8.         Sharci gaar ah oo Golaha wakiilladu soo saaro ayaa nidaaminaya Awoodaha iyo nadaamka Maxkamdda Dastuuriga ah. Sharciga waxaa lagu diyaarinayaa kalfadhiga koowaad ee Golaha Wakiillada.

9.         Lixda (6) xubnood ee bulshada laga soo xulayo, saddex waxaa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, saddexda kalana Golaha Wakiillada, dhammaantoona waxaa oggolaanaya Golaha Wakiillada.

10.       Xubnaha maxkamadda dastuuriga ahi hal mar shaqada iskama wada casili karaan.

11.       Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa noqonaya Guddoomiyaha maxkamadda Dastuuriga ah

 

QODOBKA 75 AAD

AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH

 

1.         Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay u xilsaaran tahay arrimaha Dastuurka oo keli ah.

2.         Ismaandhaafka ka yimaada shareecada iyo dacwadaha cinqaabta iyo dacwadaha lidka ku ah  Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, Xildhibaannada iyo Madaxda sare ee Dawladda waxaa gelaysa Maxkamadda Dastuuriga ah.

3          Maxkamada Dastuuriga ahi waxaa kale oo ay awood u leedahay ka-tarjumidda ismaandhaafka ka yimaada Dastuurka iyo qawaaniintiisa, gaar ahaan:

b)         Ka-tarjumidda Dastuurka (Caddaynta iyo fasiraada dastuurka iyo xeerarka kale).

t)                    Iswaafajinta Dastuurka, Qawaaniinta kale iyo Shareecada Islaamka. 

4.         Maxkamada Dastuuriga ahi waxaa kale oo ay dhagaysanaysaa dacwadaha uga yimaada: 

b)         Codsi Saddex meeloodoo hal meel oo xubnaha Golaha Wakiilladu u soo gudbiyaan in qodob ama go'aan Goleyaasha dawladda midkood ku xadgudbay Dastuurka Puntland,

t)          Marka qof ama ka badan ee shacbi ahi ku soo dacwoodaan in lagu xadgudbay xaquuqdoodii aasaasiga ahayd ee Dastuurku siiyay, iyagoo marka hore dacwadooda ay Maxkamaddi soo dhagaysatay, kuna qanacday in ay sugnaatay arrin Dastuurka la-xiriirta.

J)         Markii qayb ama laan ka mid ah dawladda ay codsato in ay go'aan ka gaarto ismaandhaaf u dhaxeeya awoodaha dawladda.

5.         Go'aannada Maxkamadda Dastuuriga ahi waa: -

b)         In ay ku ansaxaan cod haldheeri ah ee xubnaheeda.

t)          In aysan qarsoodi ahayn.

j)          In la diiwaangaliyo.

x)         In loo gudbiyo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda.

kh)       In lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah Puntland.

d)         Waxay leeyihiin awood sharciyeed oo ku salaysan Qawaanniinta iyo Dastuurka Puntland.

 

QODOBKA 76 AAD

SHURUUDAHA XULASHADA GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH

 

1.      Garsooraha Maxkamadda Dastuuriga ahi waa in uu yeeshaa dhamaan shuruudaha laga rabo xildhibaanka Golaha Wakiillada.

2.      Waa in uu haystaa shahaado kulliyad qaanuun oo la aqoonsanyahay ama mid shareecad Islaamka ah oo la aqoonsan yahay.

3.      Waa in uu leeyahay waayo-aragnimo ugu yaraan toban (10) sannadood ah.

4.      Lixda (6) xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee bulshada laga soo xulay, waxay dhammaan xuquuqaha kala mid noqonayaan Garsoorayaasha maxkamadda sare.

 

QODOBKA 77 AAD

LUMINTA XUBINIMADA MAXAKAMADDA DASTUURIGA AH

 

Luminta xubinimada maxkamadda Dastuuriga ah waxaa loo cuskanayaa qodob 45.1 

QODOBKA 78AAD

XASAANADDA GOLAHA GARSOORKA

 

1.         Golaha garsoorku Xasaanad ayuu leeyahay.

2.         Garsoore lama baari karo jirkiisa, gurigiisa iyo gaarigiisa midna lamana qaban karo haddii uusan faraha kula jirin fal dembiyeed culus.

3.         Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa garsoore kasta iyada oo    aan loo baahnayn oggalaanshaha Golaha Garsoorka.

 

QODOBKA 79AAD

ISIMADA

 

1.         Dastuurku waxa uu aqoonsan yahay oo xaqiijinayaa jiritaanka iyo xilka hogaamiye-dhaqameedyada bulshada (Isimada).

2.         Wixii muran iyo ismaandhaaf ah oo ka dhex dhaca beelaha oo xal kale loo waayo iyada oo la raacayo Dastuurka iyo xeerarkiisa waxaa loola noqonayaa Isimada, si ay talo uga soo jeediyaan ama go'aan uga gaaraan.

3.         Si loo ilaaliyo sharafta iyo dhexdhexaadnimada isimada, waxaa reebban in ay ka qaybqaataan ururro Siyaasadeed iyo kuwo diineedba.

 

QODOBKA 80AAD

SULUXA, DHEX-DHEXAADINTA IYO AQOONSIGA XEER-DHAQAMEEDKA

 

1.         Dastuurku waxa uu aqoonsanyahay Go'aannada Suluxa, dhexdhexaadinta Iyo heshiisyada xeer-dhaqameedka suuban ku dhisan ee bulshada dhexdeeda ay ka fuliyaan guurtida iyo Madax-dhaqameedyada bulshadda.2.            Go'aannada ku salaysan Xeer-dhaqameedka ee ay gaaraan guurtida iyo madax-dhaqameedyada bulashadu waxa ay la mid yihiin go'aannada Maxkamadda darajada koowaad markii laga diiwaangaliyo Maxkamadaha darajada koowaad ee Degmooyinka midda leh aagga Dacwadda Xeer-dhaqameedka lagu dhameeyay.

3.         Xukunada suluxa iyo dhex-dhexaadinta lagu dhameeyey waa in aysan ka hor imaanayn d           dastuurka iyo xeerarka dalka.

QAYBTA 4AAD

XUBINTA 1AAD

MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA

QODOBKA 81AAD

BAAHINTA MAAMULKA GOBOLLADA & DEGMOOYINKA

 

1.         Puntland waxa ay ku dhaqmaysaa mabaa'diida baahinta xukunka dhex-furan (hoos-ka- dhis kor-u-dhis).

2.         Xukuumadda ayaa u xilsaaran dibuhabaynta & xadaynta Gobollada & Degmooyinka Puntland,

3.         Waxaa lagu dhaqayaa xeer gaar ah oo laga ansixiyo Golaha Wakiiladda.

4.         Waxaa jiraya Guddoomiye Gobol oo ay xukuumadda magacawdo.

 

QODOBKA 82AAD

AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA

 

1.         Waajibaadka iyo xilka guddoomiyaha gobolka waxaa lagu soo saaraya xeer gaar ah, inta aan la magacaabin.

2.         Guddoomiyaha Gobolka ayaa u sarreeya Madaxda laamaha Dawladda ee Gobolka      isaga ayaana guddoomiya shirarka Guddiga Horumarinta iyo kan NabadGelyada.

3.         Waxa uu kormeer-hawleed ku leeyahay dhammaan shaqada dawladda ee gobolka.

4.         Guddoomiyaha Gobolka ayaa gudoomiya Kulamada ay isugu yimaadaan Guddiyada degmooyinka oo lixdii biloodba mar dhaca.

5.         Waxa uu isku xiraa maammulka dawladda dhexe iyo kan guud ee gobolka.

 

QODOBKA 83AAD

HABKA MAAMULKA DEGMOOYINKA

 

1.         Degmooyinku waxay ku dhismayaan habka Ismaamulka bulshada.

2                    Waxaa jiraya Gole Xeer-Dejin oo degmo, oo ay dooranayaan dadweynaha deegaankaasWxa

3.         Waxaa jiraya guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen Golaha Xeer-dejinta degmadu uu iska soo dhexdooranayo

4.         Waajibaadkooda shaqo waxaa lagu soo saaraya xeer, ka hor intaan la dooran.

5.         Tirada Guddiyada Xeer-dejinta Degmooyinka waxaa lagu xaddidayaa baaxadda deegaanka, tirada dadka iyo dhaqaalaha.

6.         Waxaa jiraya duq magaalo oo uu doorto Golaha xeer-dejinta deegaanka isla golaha ayaana xilka ka qaadi kara.

7.         Duqa Degmadu isaga oo la tashanaya waxgaradka Tuulada waxaa uu soo jeedinayaa, Guddiga maamulka tuulooyinka, waxaana ansixinaya Golaha Xeer-dejinta degmada.

8.         Duqa degmada ayaa soo dhisaya maammulka degmada, waxaana ansixinaya golaha xeer- dejinta degmada.

9.         Golayaasha Degmooyinka waa in ay noqdaan kuwo awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulsho iyo nabadgelyo.

10.       Muddada xilka Golayaasha Degmooyinka waa afar sano.

  

QODOBKA 84AAD

SHURUUDAHA LAGU DOORNAYO GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA

 

Shuruudaha lagu dooranayo Golaha Xeer-dejinta Degmada waxaa loo cuskanayaa qodobka 4 4aad.

 

QODOBKA 85AAD

AWOODAHA IYO WAJIBAADKA GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA

 

1.         Golayaasha Degmooyinku waxa ay yeelanayaan xeer midaysan oo ay xukuumaddu dajiso goluhuna ansixiyo.

2.         Golayaasha Degmooyinku waxay u xilsaaran yihiin: - 

·        Fulinta dhammaan qorshayaasha dawladda ee heer degmo oo ku wajahan adeegyada bulsho sida; waxbarashada, hoose/dhexe, xannaanada xoolaha, beeraha, nabadgelyada, biyaha, nalka, isgaarsiinta, hormarinta caafimaadka, ilaalinta deegaanka iyo mashaariicda horu-marineed ee awoodoodu gaarto. 

3.         Kala-xadaynta awoodda-maamul iyo canshuureed ee Dawladda Dhexe iyo Degmooyinka, waxaa lagu caddaynayaa xeerka xiriirinta dawladda dhexe, Gobollada iyo degmooyinka oo ay soo saarayso xukuumaddu Golaha Wakiilladumna ansixiyo.

QODOBKA 86AAD

AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA DUQA DEGAMADA

 

1.         Duqa Degamada ayaa u sarreeya Madaxda laamaha Dawladda ee Degamada isaga ayaana guddoomiya shirarka Guddiyada Horumarinta iyo Nabadgelyada.

3.         Waxa uu kormeer-hawleed ku leeyahay dhammaan shaqada dawladda ee Degmada.

4.         Duqa degamada ayaa gudoomiya Kulamada ay isugu yimaadaan Guddiyada degmada iyo tuulooyinku.

5.         Waxa uu isku xiraa maammulka Gobolka iyo Degmada.

6.         Duqa Degmada waxaa laga soo dhexdooran karaa Golaha xeer-dejinta Degmada ama dadweyanaha.

 

QODOBKA 87AAD

LUMINTA XUBINIMADA EE GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA

 

            Luminta xubinimada Golaha Xeer-dejintra degmada waxa ay ku imaanaysaa markii ay dhacdo arrinta ku xusan qodobka 45aad ee dastuurka.  

QODOBKA 88AAD

KALA-DERISTA GOLAHA XEER-DEJINTA DEGMADA

 

Golaha Xeer-dejinta Degmada waxaa la kala diri karaa markii ay dhacdo arrinta ku xusan qodobka 49aad ee dastuurka.

QAYBTA 5AAD

XUBINTA 1AAD

QODOBBO KALA DUWAN (VARIA)

 

QODOBKA 89AAD

KALA-GADASHADA HANTIDA UMMADDA

 

1.         Waxaa reebban kala-gadashada hantida ummadda haddii aan dawladdu dhinac ka ahayn.

2.         Dawladdu ma iibin karto hanti ummadeed oo qiimaheedu ka badan yahay $100,000(boqol kun oo doollarka maraykanka ah) haddii aan Golaha Wakiilladu oggolaan.

 

QODOBKA 90AAD

LA-WAREEGIDDA HANTIDA GAAR-AHAANEED

 1.         Hantida qofku ku helay si xeerka waafaqsan lalama wareegi karo dan guud mooyaane, iyada oo markaana la bixinayo magdhow munaasib ah.

2.         Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la-wareegidda hantida gaar-ahaaneed.

 

QODOBKA 91AAD

ANSHAXA IYO DHAQAN-SAMIDA

 

Dawladdu waxay dhowraysaa Anshaxa iyo dhaqan-samida bulshada.

 

QODOBKA 92AAD

ILAALINTA SHAQADA

 

1.         Dawladdu waxa ay xil iska saaraysaa shaqo-abuurista iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.

2.         Waxaa reebban shaqo khasab ah, haddii aan qaanuunku si kale u tilmaamin, xeer-gaar ah ayaana lagu sii faahfaahinayaa.

3.         Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay mushaar u dhigma shaqada uu qabto.

4.         Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah toddobaadkiiba, fasax sannadeed iyo ciidaha uu qaanuunka jideeyay iyada oo aan xaquuqda qofka wax loo dhimin.

5.         Dawladdu waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo damiir ahaanba.

6.         Shaqaalahu waxa ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin markii laga reebbo ciidamada si xeerka waafaqsan.

7.         Muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto shaqada uu rabo.

  

QODOBKA 93AAD

BADBAADADA SHAQAALAHA

 

1.         Dastuurku waxa uu u ballanqaadayaa shaqaalaha mid ciidan iyo mid kaleba xaqa howlgabnimo.

2.         Muwaadin kasta oo xil u haya dawladda oo wax gaaraan, ama jirrada, ama hawlgaba, waxa uu xaq u leeyahay daryeel qaanuunka waafaqsan.

 

QODOBKA 94AAD

CIIDAMADA

                       

Ciidamada Puntland waxa ay ka kooban yihiin:

            b)         Booliiska,

            t)          Boolis-Daraawiish,      

            j)          Asluubta.

 

QODOBKA 95AAD

HABKA DHAQANDHAQAALE EE SUUQA XORTA AH

 

1.         Puntland waxa ay ku dhaqmaysaa habka dhaqandhaqaale ee suuqa xorta ah, waxayna dhiirigelinaysaa, damaanadna siinaysaa maalgelinta dalka, mid shisheeye iyo mid sokeeyeba.

2.         Habka Ganacsigu waa tartan furan.

3.         Waxaa reebban qodob ka hor imaanaya tartanka ganacsiga.

 

QODOBKA 96AAD

DARYEELKA DEEGAANKA

 

1.         Waxaa reebban nabaadguurinta/xaalufinta (bad, cir iyo birriba) iyo sumaynta deegaanka (bad, cir iyo birriba), dhoofinta dhuxusha, ka-ganacsiga iyo dhoofinta dhirta qoyan iyo tan qallalanba.

2.         Waxaa reebban dhoofinta xoolaha dheddiga.

3.         Waxaa reebban ugaarsiga iyo dhoofinta duurjoogta.

4.         Dastuurku waxa uu mamnuucayaa Deegaamaynta meelaha aan ku habboonayn.

 

QODOBKA 97AAD

DHAARTA XILKA 

Qof kasta oo xil sare ka qabanaya Dawladda Puntland Maxkamadda Sare ayaa uu dhaarinaysa xilka loo dhiibey inta uusan xilka qaban, wuxuuna marayaa dhaartan: -

"Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay in aan Diinta Islaamka xurmeeyo, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lilaahi ugu adeego"

 

QODOBKA 98AAD

WAX-KA-BEDDELIDA DASTUURKA

 

1.         Wax-ka-beddelka Dastuurka waxaa ka go'aan qaadanaya Golaha Wakiillada.

Marka ay soo jeediyaan 1/5 (shan meelood oo meel) xubnaha Golaha ama Xukuumadu, ama 5000 qof oo codbixiyayaal ah.

2.         Marka hore, codbixintu waa  (3/4) ee xunbnaha Golaha Wakiillda, marka labaadna waa sidoo kale.

3.         Labo kalfadhi oo isku xiga ugu yaraanna bili u dhexayso ayaa Dastuurka wax looga bedeli karaa.

QODOBKA 99AAD

BALLANQAADKA DASTUURKA 

1:         Dhamaan qawaaniintu waxay ka minguursamayaan Dastuurka.

2:         Haddii cabasho ka timid qof ama xafiis, xeer-ilaalinta ama Maxkamaddi u aragto maangal Arrin Maxkamadi xukuntay ama xafiis go'aamiyey oo laga hor yimid, waxay u furaysaa dib u eegid.

3:         Marka cabasho timaado waxaa la joojinayaa hirgelinta go'aankii la gaarey ama socday, waxaana loo riixayaa maxkamadda sare inay go'aan ka soo jeediso arrintii la joojiyey.

4:         Hadii Maxkamadda Sare cabashadii u aragto meel-waa, waxay joojinaysaa go'aan-ka-gaarida cabashada, waxayna u gudbinaysaa Maxkadda Dastuuriga. 

QODOBKA 100AAD

NUQULKA RASMIGA AH EE DASTUURKA 

Nuqulka afka Soomaaliga ku qoran ee dastuurkan waa kan leh aqoonsiga rasmiga ah, wuxuuna dhaqan gelayaa 1Luulyo 2001da.

 

LIFAAQA KOWAAD EE DASTUURKA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE MUDADA KU MEEL GAARKA AH.

 

1.      Golaha Wakiilladu iyaga oo ka amba qaadaya qodobada 8.1,iyo 35.1 ee axdiga ku meel gaarka ah ayuu dib u habayn ku sameeyey Qodobka 28.4 ee axdiga waxaana loogu dhaqmayaa sidan: -

      B)        Axdiga waxaa bedelaya Dastuurka cusub  ee Puntland ee Golaha wakiilladu

                  ansixiyeen 9/06/200. taasoo dhaqan gelaya 01/07/200.

T)         Dastuurka waxaa loogu dhaqmayaa si ku meel gaar ah inta loo qaadayo afti                   Dadweyne

    J)        Waqtiga Dastuurka Afti Dadweyne loo qaadayo waxaa ka Go’aan qaadanaya                                Golaha wakiillada. 

2.      Golaha wakiilladu wuxuu bedelay Qodobada 8.4 iyo 12.1 ee axdiga waxaana loo

bedelay sidan:- 

B)        Mudada xilka Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, Madaxweynaha iyo K/xigeenkiisa waxaa la dheereeyey xilligoodii shaqo lagana dhigay 3 Sano oo ku meel gaar ah iyada oo markii hore uu xilkoodu ku dhamaanayey 30/06/2001waxayna ku hawlgelayaan awoodaha iyo waajibaadka Dastuurku siinayo kuna eg 3 Sano. 

J)         Haddii Xubin ka tirsan Golaha wakiillada lumiso Wakiilnimadeeda mudada ku meel gaarka ah waxaa soo magacaabaya bedelkeeda beeshii xubintu ka tirsanayd muddo 45 casho gudahood ah. 

3.      Haddiii sabab kasta awgeed Dawladdu fulin weydo Arrimaha tirakooobka, aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha (Golaha Wakiillada Iyo Golaha Deegaanada labada bilood ee ugu dambeeya 3da sano ee ku meel gaarka ah ayaa hab beeleed ee waafaqsan sidii lagu soo xulay Golaha Wakiillada ee hadda jira lagu soo magacaabayaa Xubnaha Golaha wakiilada ee bedelaya kan hadda jira, kuwaasoo iyaguna dooranaya Madaxweynaha, madaxweyne K/xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo K/xigeenadiisa. 

4.   Qawaaniintii hore dalka looga dhaqmayey aan ka hor imaanayn Dastuurka Dawlad-Goboleedka Puntland ee mudada ku meel gaarka ah ayaa dhaqan gal noqonaya 01/07/2001. 

5.      Muddo 4 Bilood gudahood ah oo ka bilaabata 11/07/2001.Xukuummaddu waxay ku diyaarinaysaa Xeerka Golayaashu ku shaqeyn lahaayeen iyo xeerkii lagu dhisi lahaa. Xeerkaan waxaa ansixinaya Golaha wakiillada, Ansixinta ka dib waxaa si deg-deg ah lagu dhisayaa Golayaasha Deegaamada waxaana lagu xulayaa hab Beeleed.  

 

Eebbaa Mahad leh.

Yuusuf X. Saciid.**

Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland.

Yusuf Xaji Saciid wuxuu ahaa Guuddoomiyihii golaha wakiilada Puntland. hase yeeshee hadda waxaa ah Mudane Cismaan Dalamr....

                      Biyokulule Online

                                                                 Dhammad        Back Home


             Biyo Kulule

Togga Laag