GOGOLDHIG

 

Sida la wada ogsoon yahay ummad waliba waxaay leedahay Ab iyo Abtirsi loo kala dhambaalo Fir, Qabiilo, Beelo, Jilibyo iyo Jifiyo: taas oo keenta saameynta dhaqan, dhaqaale iyo sayaasadda (Socio-Political and Economic aspects) ee ay wadaagaan intii bah wadaag ah.

 

Haddiise aan dhanka san ka fiirino, xusuuso sidii Eebaheena inagu yiri Qur’aanka Kariimka “Waxa aanu idiinka yeelnay umaddo iyo qabaa’ilo si aad isu aqoonsataan”. Dib u eeg dhaqankii Awoowayaal ee u adeegsan jiray taxa taranka ama ku salayn jiray is aqoonsi, iska qabashoo wixii qaldan ee intii isku heybta ah, taas oo ay u dheerayd iyaga oo la lahaa haybaha kale, xiriir, xeer, xididnimo. Waatayna ka baxday waxa tol loo yahay (nin qaldan qabashadii iyo nin baahan wax siintii).

 

Hadaba, taxa taran saamaynta uu ku yeesho dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda waxa aan ku soo koobi karaa sidan:

 

Dhaqanka: -              Ergeynta, isqabashada, ku dhaqanka xeerka, xushmaynta xididka, nabadgelinta maganta iyo bir-ma-geydada iwm.

Dhaqaalaha: -            Magta, kaalmadda, kaaladda, is xoolaynta, qaadhaanka iwm.

Siyaasadda: -            La samaysiga xeerarka beelaha kale, doorashooyinka deegsiimooyinka, derisnimada, nidaam is maamul leh, isim, guurti, iskaalmaysiga iyo wax wada qabsiga beelaha kale.

 

Waxaa intaa dheer, in silsiladda taxa taran aad ka dhex heli kartaan oo laga dheehan karo ashkhaasta bulshada dhexdooda ku leh magac weyn, sida Hogaamiyayaasha, Abwaanadda, Isimada, Culumaa’udiinka iwm.

 

 

i

 

Hadaba, daraasaddan silsiladda taxa taran ee beesha Maxamud Harti (Moorasaante) oo iyaga laftoodu loo sii kala qaaday Jilibyo, Jifiyo ,iyo weliba bah wadaago, waxa ay leedahay nidaam ismaamul oo uu hogaan kayahay Isim maratabadiisu tahay SALDANADA (MAX’UD HARTI).Saldanadaas oo ka soo bilaabatayGaraad dhidhiin Kooge (C/laahi) ilaa Suldaan Saciid Suldaan C/salaam oo dhan (26 ) lix iyo labaatan fac.beesha Maxamud harti (Moorasaante),Ogeyslabe ,Cabaas Muuse (dir),waxa jira qabaa’il kale oo mandiqadda deggan ay ka mid yihiin Reerlo’aad (Caanadiid) ,abokor Calai ,maxamud Dubays, Gurgure,Ashraaf iyo Maraare

     

Muhiimadda qoristeeda keentay waxa ugu weynaa: -

 

1.     Waxaa silsiladda taxa taran laga samayn karaa daraasad guud ee tira-koobka beelaha, taas oo ka caawin karta marka la gaaro (hal qof iyo doorasho)

2.    Iyada oo aan horay loo samayn la haynna tixraac qoraal ah

3.    Burburkii ka dhaca Soomaaliya oo sababay in dhalinyaro fara badan debadda u yaaceen, qaar kalenay ay ku dhasheen oo ay halis tahay in ay ka lunto dhaqankii iyo hiddihii iyo faa’iidooyinkii kale ee ay lahayd taxa taran oo ay daraasaddani u noqoto majrac

4.    Iyada oo isku dayo fara badan oo la sameeyay haba u battaan dad anjebi ah, kuwa ay sameeyeen way u suurto geli wayday in ay si qoto-dheer oo gudub iyo hoosba ah u dhammaystiraan waxayna ku koobeen dul ka xaadin fahamkeeda adkaan karo, waloow ay dadaaleen. Waxaa ka mid ahaa dadka dadaalka weyn sameeyay qoraaga weyn ee I.M. Lewis buugiisa “People of the Horn of Africa – Somali, Afar and Saho). Halka kuwo kale dadaalkoodu nuqsaan ku noqon karaan qaladaad aasaasi ah sida (Human rights Development report 1998 “Appendix C Clans of Somalia”) oo aan ku tilmaami karo meeshuu ku yiri “The Darood includes smaller clans such as Awrtable, Dishishe and Leelkase” inkastoo Dishishe yahay Daarood haddana lama sinna labada uu ku lammaaneeyay ee waxa uu so raacayaa taxa Kablalax – Harti – Mooracase – Dishishe. Sidaas darteed, waxa qoraha taxa taran culays weyn saaray qabyo tirka Fir iyo Farac si uu u waaro.

 

ii

5.    Daraasadda kale ee aanu xiganay waxaa ka mid ah:The Somali Clan System, An Introduction of Somali Socieity and History – By GUID AMBROSO – where sub office – JIGJIGA ETHOPIA.ii

Ururinta iyo isku dubaridka daraasaddaani ka sokow, muddada dheer ee ay qaadatay, waxaa ku baxday dhaqaale fara badan, waxa uu qorahu la kulmay in ka badan boqol iyo konton qof isaga oo mar walba hubinayey suugaanta Silsiladda.

Waxaa dhib weyn ahayd sii yaraanta duqaydii lagu aqoon jiray xafidsanaanta abtirsiga. Qoraha oo isticmaalay farsamooyin muuqaal oo fududeeya fahamka daraasaddan.

 

RAAD RAACA AAN XIGANAY WAXAA KA MID AH

 

1.     Diiwaan ku ururinta qabaa’ilka ee Khaalid Garaad Maxamud Cali Shire.

2.    Hunt Report (Hunt J.A. 1951, A geological survey of the Somaliland).

3.    M.I.Lewis Protectorati, 1944 – 1950 London, Crown Agents 203 pg.

4.    Genealogical Tables of Somali tribes “Boutrus Boutrus Chali”

5.    Human rights development report 1998 Appendix C Clans of Somalia.

6.    The Somali Clans system – An introduction to Somali Socieity and Histroy by “Guido Ambroso” UNHCR sub office – JIGJIGA/ETHOPIA March 1994.

 

 

 

iii

 

                                     MAHADNAQ

 

Waxaa mahad leh Ilaah suurtagaliyay qaybta buugaan. Waxaa mahadnaq iga mudan dhammaan dadkii igu gacan-siiyay isku dubaridka iyo hanaaninta Silsiladdan Taxa-Taran ee beesha Maxamud Harti(MOORA_SAANTE) Iyo beelaha ay wada degaan . Dadkaas oo ii fidiyay taageero niyadeed iyo mid dhaqaale. Waxaan sidoo kale abaal u hayaa dadkii igu tabantaabiyay soo saaridda buugaan oo igu kordhiyay awood iyo firfircooni dheeraad ah in uu dhammaystirmo buugaan. Inkastoo aan halkan lagu soo wada koobi karin dadkaas balse waxaan ka xusayaa: -

 

1.

Khaalid Suldaan  Max’ud Calishire

2.

Xassan Maxamed Cumar (Looshade)

3.

Yuusuf Warsame Cali shire

4.

Suudi Mire Saalax

5.

Cabdiqani Axmed Oday

6.

Danjire Max’ed Axmed Cabdi (tafadal)

7.

Nabadon Max’ed Muuse Nuux

8.

Saciid Salaad Warsame

9.

Saciid Jaamac Xuseen(Daara-sacad) 

10.

Max’ud faarax Cali (Baciido)

11.

Liibaan C/laahi  Dhegacole

12.

Yaasiin Xirsi Cismaan Guulled

 

 

 

 

 

 

 

 

                       Waxa si gaar ah  aan abaal u hayaa Axmed (Saadaq) Cabdi Maxamud, ,Xasan Looshade oo igala qayb qaatay ururinta , garaacidda, daabacaadda, isku dubaridka iyo qaabaynta buugga oo la’aantood aanay ii suurto gasheen qabyo tirkiisa.

 

Qore .          MAXAMUUD BILE DUBBE

Tell:   00 252-090726434 mobile  & 00252615593054        Email. Mbile2009@gmail.com

                                   Boosaas.  Soomaaliya                                                   

 

1v