BiyoKulule Online  Bosaso,  Somalia                       

Contact@biyokulule.com
 

Taariikh Nololeedkii Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxmaan

1915-2000

KULLU NAFSI DAA’IQUTU AL-MOWT (Sadaqallaahu Al-Cadiim)

 Waxaa gelinkii danbe oo ay taariikhdu ahayd 31/12/2000 ku geeriyooday magaalada Bosaaso Ugaas yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan oo da’diisu dhammayd 85 sano, allaha u naxariistee.

Marxuum Ugaas Yaasiin wuxuu Ugaasnimada hayey 59 sano. Marxuum Ugaas Yaasiin waxa uu ku dhashay Magaalada Boosaaso, taariikhdu markay ahayd 1915. Wuxuu waxbarashadiisii diinta islaamka ka bilaabay Magaalada Boosaaso, halkaasoo uu Xaafidil qura’aan uu ku noqday. 1935-1938 wuxuu waxbarasho u tegey Muqdisho oo uu ka dhiganaayey iskuul Talyaanigu ugu talo galay Ilmaha madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed, oo ahaa iskuul isbishaale ah ( Schola Speciale per I figli di capi Somnali).

 Sannadkii 1941kii Waxaa Ugaas Yaasiin Ugaas cabdiraxmaan loo caleemo saaray Ugaasnimada. Wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii gobanimodoonka Soomaaliyeed.

1947dii wuxuu noqday Xaghayaha Xisbiga SYL ee Degmada Boosaaso.

1951kii Guddoomiyihii Magaalada boosaaso ee Talyaaniga u joogay wuxuu talo ku bixiyey in la dilo Ugaaska, oo markaas ahaa xoghayihii xisbiga SYL, Ugaasku markuu ka warhelay Arrintaas wuxuu u baxsaday dhinaca Waqooyi uu ka galay Ceelaayo-Ceerigaabo, Burco-Hargeysa. Magaalooyinkaas oo si fiican loogu soo dhoweeyey, kadibna wuxuu u gudbay xamar, waxaana lagaga hor yimid magaalada Jawhar. Ugaasku markuu xamar tegey xog-warran ayuu u jeediyey Golihii dhexe ee SYL, kadibna Dacwadoodii ayey UN-ka u gudbiyeen, UN-kiina waxay Talyaaniga culays ku saareen in dadka cadaadiska laga daayo, ammaanka Ugaaskana la sugo, markaas kadib ayuu Boosaaso kusoo laabtay waxaana loogu soo dhoweeyey si wanaagsan.

 1956-1959kii Ugaasku wuxuu ka mid noqday xubin baarlammaankii ugu horreeyey ee loo sameeyey dalka Soomaaliya (Daakhiligii), intii ka danbeysay wuxuu ka mid ahaa Baarlammaanka ilaa 1969kii. Xilligaas ka dib wuxuu ka shaqaynayey caanna ku ahaa Nabadaynta & suluxa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo caan ku ahaa astaan hoggaamiye dhaqameed iyo mid diineed, isagoo ahaa xaafidil Qur’aan kuna xeeldheer shareecada diinta islaamka, wuxuu ku hadli jirey Luqadaha (afafka) Carabiga iyo Talyaaniga.

1991dii Ugaas yaasiin allaha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa Guddigii Odayaasha ee isu xil-saaray in ay kala dhex-galaan dhinacyadii ku dirirayey Magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa shakhsiyaadkii raadiyo Muqdisho kala hadlay ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kasii daayey baaq nabadeed, habeenkaasna ka baaday gurigiisii, isaga iyo kuwo kale oo ka mid ahaa guddigaas.

Guddigaas odayaasha ee nabadaynta ummadda qaar ka mid ahaa ayaa naftoodii ku waayey sida:

Marxuum Xaaji Muuse Boqor (Allaha u Naxariistee) Marxuum xaaji xaashi weheliye( Allaha u Naxariistee),waxaa kaloo isla goobtaas ku dhaawacmay Marxuum Sheekh Maxamed Maxamuud (faruur) (Allaha u Naxariistee) oo guddiga ka mid ahaa & shakhsiyaad kale.

Dalalka uu maray waxaa ka mid ahaa Djibouti, Ethiopia, Kiinya Ugaandha, Tansaaniya, Yemen, UAE, Ciraaq, Syria, Urdun, Lubnaan, masar, turkiga, Baytul Muqdis inta aanu u gacan gelin Dawladda Yuhuudda, Jarmalka, Talyaaniga iyo dalka Maraykanka oo uu joogay 1963 markii lagu dilay Madaxweyne John F. kenedy.

Maanta oo Bishu tahay 31/12/2000 waxaa magaalada Boosaaso lagu aasay Marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan, waxaana aaskiisii kasoo qayb galay dad aad u farabadan oo isaga yimi Gobolada w/Bari soomaaliya & Gobolada deriska la ah.

Marxuum Ugaas yaasiin wuxuu ifka kaga tegey 49 Qof oo isugu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen & laba Xaas.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
(Sadaqallaahu Al-Cadiim)
Waxaa soo ururiyey
Maxamuud Bile Dubbe
Bossaso,Somalia 01/01/01
Tel: 252-52-34785 (Guriga)
Mobile: 252-52-50693


Biyo Kulule

BosasoCity
Togga Laag

Buurgaaban 

 Maydi

Geed Xiji 
MohmoodGaidon  

 

 

      
    

 

 

 

Sakariya   Mohamed

Sabra      A/fataax